Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa lagu soo warramayaa inay ogolaatay inay iibiso xiddig ka tirsan kooxdeeda oo sannad kaliya ku sugnaa Allianz Stadium, kaas oo ay doonayaan kooxaha horyaalka Premier League ee Chelsea iyo Arsenal.
Juventus oo dhaqaale xumo ku habsatay, isla markaana dhowaan ay is wada casileen boodhkii maamulka ayaa la sheegay in ay u baahan tahay inay iibiso ciyaartoydeeda waaweyn si ay u hesho dhaqaale ay kusii socoto, isla markaana uga badbaaddo inay musalafto.
Warbaahinta Talyaaniga ayaa ku warramaysa in Juventus ay diyaar u tahay inay iibiso weeraryahankeeda Dusan Vlahovic oo ah 22 jir ay sannad ka hor £66 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Fiorentina oo laba xilli ciyaareed oo uu u saftay 108 kulan u dhaliyey 49 gool.
Xiddiga reer Serbia ayay Juventus ku iibinaysaa £80 milyan oo Gini bisha January ee saddexda maalmood ka hadhsan yihiin, sidoo kalena waxay diyaar u yihiin inay dhegaystaan dalabyada laga soo gudbinayo xiddiga khadka dhexe ee reer France ee Adrien Rabiot.
Arsenal oo uu dhaawac saddex bilood ah kaga maqnaanayo Gabriel Jesus iyo Chelsea oo uu ka dhaawacmay Armando Braoja oo xilli ciyaareedka oo dhan maqnaanaya ayaa ku dagaallamaya saxeexa Dusan Vlahovic, laakiin lama hubo inay diyaar u noqonayaan inay bixiyaan lacagta ay Old Lady dalbanayso.