Home Warka Xiisaha Leh D’Alessandro oo daboolka ka qaaday qaabkii uu saxeexa khadka dhexe ee ree...

D’Alessandro oo daboolka ka qaaday qaabkii uu saxeexa khadka dhexe ee ree Argentina ee Enzo Fernandez ugu bandhigay kooxaha ugu waaweyn Spain ee Barcelona iyo Real Madrid.

0
Ad

Tababarihii hore ee kooxda Atletico Madrid ee D’Alessandro ayaa daboolka ka qaaday qaabkii uu saxeexa khadka dhexe ee ree Argentina ee Enzo Fernandez ugu bandhigay kooxaha ugu waaweyn Spain ee Barcelona iyo Real Madrid.

Toddobaadkii hore gaar ahaan maalintii ugu dambaysay suuqa January ayay Chelsea rekoodhka suuqa England u jabisay Fernandez iyagoo 121 Milyan oo euro kagala soo saxeexday Benfica.

Ad

Benfica ayaa dhawr bilood kahor 22 sano jirkaas kula soo saxeexatay lacag 10 Milyan oo euro ah taas oo ka dhigan inay 111 Milyan oo euro u koreen bilahaas gudahooda.

D’Alessandro oo baraha bulshada kusoo bandhigay wixii hore u dhacay ayaa sheegay inuu Madrid iyo Barca labadaba u sheegay inay kaliya 10 Milyan oo euro kula saxeexdaan Fernandez balse ay diideen.

Wuxuu yidhi “Qalad maamul oo xun ayay sameeyeen Real Madrid iyo Barcelona, maanta waa midka ugu fiican dunida booskiisa. Markii uu 10-ka Milyan ee euro ahaa ayaan u bandhigay Ramon Planes (Madaxii hore ee xog haynta Barcelona) iyo shaqaalaha Real Madrid”.

“Maanta way raadiyaan mana heli doonaan wax isaga oo kale ah, doorar kale way heli karaan balse ma heli karaan madax Engineer oo isagoo kale ah”.

Previous articleWararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Sabti Ah 04-da February
Next articleEverton 1-0 Arsenal: oo guul-darro xanuun kulul kala soo kulantay Everton

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here