Home Horyaalka Italy Dalot oo Rashford uga digay falalka uu ku kacayo kaddib narkii laga...

Dalot oo Rashford uga digay falalka uu ku kacayo kaddib narkii laga reebay safka Man United

0

“Haddii aad guul ka rabto, waa inaad dhibtootaa” – Dalot oo Rashford uga digay falalka uu ku kacayo kaddib narkii laga reebay safka Man United.

Marcus Rashford ayaa lagu wargeliyay inuu “dhibtoon doono” si uu ugu guuleysto Manchester United asagoo ka hoos ciyaaraya tababaraha cusub, Ruben Amorim.

Tababaraha aan waxba la gamban ayaa ka reebay Rashford iyo Alejandro Garnacho safka Red Devils kulankii ay 2-1 kaga soo adkaadeen Manchester City Axadii, sababtuna waxay ahayd iney diideen iney tababarka si joogto ah uga qeyb qaataan.

Daafaca kooxda, Diogo Dalot, ayaa sheegay:

“Haddii aad guul rabto , waa inaad dhibtootaa. Haddii aad diyaar u tahay taas, waxaan noqon karnaa koox fiican. Haddii kalena, meel kuma lihid kooxda.”

Weeraryahanka England, Rashford oo 27 jir ah, iyo xiddiga garabka ka ciyaara ee Argentina, Garnacho oo 20 jir ah, ayaa lagu ciqaabay waxqabad la’aantooda tababarka.

Dalot oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri:

“Farriintu waxay ahayd mid cad tan iyo bilowgii – haddii aad guul rabto, haddii aad rabto inaad horumar sameyso, waa inaad dhibtootaa. Taasi ma ahan oo kaliya kubadda cagta, laakiin waa nolosha guud ahaan. Haddii aad rabto guul, waa inaad si adag u shaqeysaa oo dhibtootaa.”

In kasta oo taageerayaasha United ay aad ugu faraxsanaayeen guushii Etihad, ciyaartoyda ayaa is dhiirrigelinaya.

Dalot ayaa intaas ku daray:

“Xaqiiqadu waa inaan tallaabo tallaabo u socono. Tababaraha cusub awgiis, waxaan horay u qaadeynaa tallaabooyin wanaagsan si aan u gaarno halka aan rabno – laakiin waqti ayay qaadanaysaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here