Home Wararka Ciyaaraha Dani Alves Iyo Coutinho oo ku wada Xiran Xabsi Ku Yaalla Dalka...

Dani Alves Iyo Coutinho oo ku wada Xiran Xabsi Ku Yaalla Dalka Spain

0
Ad

Difaaca xulka qaranka Brazil ee Dani Alves ayaa ku xidhan waddanka Spain oo xabsiga loogu taxaabay Jimcihii toddobaadkii hore kaddib markii lagu eedeeyey inuu kufsaday gabadh ay ku kulmeen hotel lagu caweeyo, xilli uu isticmaalay maandooriye.

Alves oo ka mid ah ciyaartoyda ugu guulaha badan dunida ayaa falkan ku kacay 30kii December, waxaanay maxkamad ku taalla waddanka Spain amartay in xabsiga loo taxaabo iyadoo loo diiday in damiin lagu sii daayo. Waxa uu xidhnaan doonaa inta baadhitaanku socdo ee go’aanka rasmiga ah laga gaadhayo xukunkiisa.

Ad

Difaacan hore ee Barcelona, Sevilla, Juventus iyo PSG oo ay kooxdiisa Pumas ee waddanka Mexico burburisay heshi9iskii ay kula jirtay toddobaadkii hore markii ay maxkamaddu amartay xadhiggiisa, ayaa waxa markii hore la geeyey saldhig boolis  oo ku yaalla magaalada Barcelona, laakiin sawir kaga yaalla qoorta ayaa waxa uu sababay in ammaankiisa loo baqo oo la geeyo jeel si aad ah amnigiisa loogu sugi doono.

Sida ay sheegtay warbaahinta El Periodico ee xarunteedu tahay Spain, Dani Alves ayaa waxa lasoo dersay dhibaatooyin dhinac maskaxda ah markii la xidhay, waxaana kor-joogeyn ku haya dhakhaatiirta. El Periodico ayaa intaa ku dartay, in ay jeelka ku wada xidhan yihiin Dani Alves nin lagu magacaabo Coutinho, waana magac caan ka ah kooxdiisii hore ee Barcelona iyo sidoo kale Brazil, balse ma aha ciyaartoyga aynu naqaano ee Philippe Coutinho.

Previous articleXaalada Dhaawac ee Marcus Rashford oo laga Warbixiyay
Next articleXidigaha Juventus oo Kala Carar ku Jira Mushahar La’an Dartii, Juva oo Ganaax Wajaheysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here