Danilo oo Albaabada u Balaqay ka Ciyaarista Premier League-ga, Gunners oo Shiishka ku Heysa

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Palmeiras Danilo ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay inuu kor u qaado oo uu ka ciyaaro Premier League xilli ay xiiseynayaan Arsenal .

Gunners ayaa si xoogan loola xiriirinayay 21 jirkaan aadka loo qiimeeyo, iyadoo warbixin dhawaan soo baxday lagu sheegay inay ku dhowdahay inay heshiis la gaarto xiddiga reer Brazil ka hor suuqa Janaayo.

Mikel Arteta , oo hadda arka in kooxdiisu ay shan dhibcood oo nadiif ah ku hayso hogaanka Premier League , ayaa daaha ka qaaday ka hor fasaxii Koobka Adduunka.

“Dabcan waan horumarin karnaa kooxda, mar walba waxaan raadin doonaa inaan taas sameyno koox ahaan, ma garanayo [haddii aan mashquul ku ahaan doono Janaayo], Suuqa waa mid aan la saadaalin karin,” Arteta ayaa u sheegay suxufiyiinta.

Hadalka kasoo yeeray Xidigan ayaa fursad siin karta Gunners Madama Xidigan uu dhankiisa doonayo kooxda Sida Arsenal ku jirta Xili Feecan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*