Home Warar Ciyaaraha Maanta Danny Murphy oo sheegay in gool yaraanta Man United ay keeni karto...

Danny Murphy oo sheegay in gool yaraanta Man United ay keeni karto in ay ku dhamaysan waydo 4-ta boos ee ugu sareeya

0

Danny Murphy ayaa sheegay in gool yaraanta Man United ay keeni karto in ay ku dhamaysan waydo 4-ta boos ee ugu sareeya horyaalka premier League.

Man United ayaa bar-baro gool la’aan ah la gashay kooxda Crystal Palace kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Kooxda Man United ayaa haatan ku jirta kaalinta 11-aad ee kala saraynta horyaalka premier League.

Murphy ayaa rumaysan in khibarad la’aanta weeraryahanada ay hor istaagi doonto Man United.

“Waxaan u maleynayaa inay sameeyeen saxiixyo wanaagsan aagga difaaca ee garoonka si ay uga caawiyaan dhinacaas,” ayuu yiri Match of the Day.

“Laakin wax kama qaban gool la’aanta waa kooxda ugu goolasha yar qaybta sare ee horyaalka”.

“Waxay la soo saxiixdeen Zirkzee waana weeraryahanka kaliya ee kooxda yimid, wali waa xiddig da’yar ah ma ahan weeraryahan dhalin kara goolal badan”.

“Zirkzee ma gaadhsiin karo Man United halka ay doonayaan oo ah in ay ku tartamaan premier League xitaa kama caawin karo in ay ku dhamaystaan 4-ta ugu saraysa sababta oo ah gool yaraan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here