Home Suuqa Kala iibsiga Danny Murphy oo Yiri :Liverpool ayaan wax fursad ah u haysan in...

Danny Murphy oo Yiri :Liverpool ayaan wax fursad ah u haysan in ay ku guulaysato Premier League ilaa ay ka sameeyaan laba saxiix:

0

Liverpool ayaan wax fursad ah u haysan in ay ku guulaysato Premier League ilaa ay ka sameeyaan laba saxiix oo muhiim ah sida uu sheegay Danny Murphy.

Is badal weyn ayaa ka dhacay Anfield xagaaga iyada oo Arne Slot badalay Jurgen Klopp kaas oo soo afjaray ku dhawaad 10 sano oo uu joogay kooxda.

Laakiin waxa jira is badal yar dhinaca suuqa kala iibsiga iyada oo kooxdu wali aan wax saxiix ah samayn.

Murphy aaminsan yahay Slot iyo kooxdiisu ayna awood u lahayn in ay la tartamaan kooxaha Man City iyo Arsenal premier League.

“Waxaan filayaa inay ku dhamaystaan 4-ta boos ee ugu sareeya, ma filayo in ay la tartamaan Man City iyo Arsenal marka loo eego kooxda ay haystaan”ayuu yidhi xidhiihii hore ee Liverpool.

“Waxa fiican in ay sameeyaan laba saxiix oo waaweyn, gaar ahaan daafaca dhexe iyo khadka dhexe ee daafaca”

“Marka aad eegto labada kooxood ee ugu fiican dalka sanadkii hore waxa ay haystaan Rodri iyo Rice, Liverpool ma haysato taas”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here