Home Horyaalka Germalka David Alaba oo go’an ka gaaray Dalab Qaali ah oo Liverpool ka...

David Alaba oo go’an ka gaaray Dalab Qaali ah oo Liverpool ka gudbisay

0

Bayern Munich Daafaceeda David Alaba ayaa lagu soo waramayaa inuu iska diiday dalab qaali ah oo Liverpool uga yimid

Xiddiga reer Austria ee baahida badan qaba ayaa qarka u saaran inuu ka tago Bayern marka qandaraaskiisa haatan dhacayo xagaaga, isagoo soo gabagabeynaya 11 xilli ciyaareed oo uu la joogay kooxda ka dhisan Bundesliga.

Liverpool ayaa horay loola xiriirinayay Alaba, kaasoo ka ciyaari kara daafac buuxa, daafac dhexe ama khadka dhexe, laakiin khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano ayaa ku qoray bartiisa rasmiga ah in Madrid ay ku guuleysatay loolanka saxiixiisa.

Taasi waa sida la sheegayo inkastoo Reds ay 28 jirkaan u bandhigtay lacag ka badan inta uu ka helayo Los Blancos iyo kooxda kale ee xiiseyneysa sida Barcelona .

Alaba ayaa ka soo muuqday Bayern 23 jeer tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, inta badan qalbiga daafaca.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here