David De Gea ayaa laga yaabaa inuu ku biiro koox cusub, labo bilood ka dib markii uu ka tagay Manchester United.
De Gea ayaa wali ah mid xor ah, waxayna taasi la micno tahay inuu heshiis la gaadhi karo koox kasta inkasta uu suuqa kala iibsiga mar hore xidhmay. Real Betis ayaana laga yaabaa inay la saxiixato ka hor xilli ciyaareedkooda Europa League.
Kooxda Manuel Pellegrini ayaa diyaar u ah inay la wareegto xiddigaan sida ay sheegtay majalada isbaanishka ee Fichajes, madaama kooxda ay soo wajahday goolhaye yari.
Goolhayaha kooxda koowaad ee Betis hadda waa Claudio Bravo, laakiin waxa uu dhaawac ku seegay ciyaartii Barcelona ee isbuucaan. Goolhayihii bedelay Rui Silva ayaa isna dhaawac ku baxay waqtigii nasashada ee ciyaartaas/
Goolhayaha saddexaad ee Fran Vieites ayaa ciyaarta soo gabagabeeyay, laakiin warbaahinta Isbaanishka ayaa soo warinaysa in Betis aysan awoodin inay sugaan ilaa bisha Janaayo markaasoo uu suuqa kala iibsiga uu furmayo, waxayna doonayaan inay De Gea ku soo daraan kooxdooda ka hor kulanka Rangers ee Khamiista.