David moyes oo Rumeysan in Jesse Lingard dib looga wici doono England kadib bandhigii xalay.

David Moyes ayaa aaminsan in Jesse Lingard uu ku riixi karo dib u soo celinta xulka England ka dib kulankiisii ugu horeysay ee West Ham u saftay Arbacadii.

Lingard oo amaah ugu yimid kooxda West Ham bishii hore kana soo tegay man United ayaa labo gool dhaliyey kulankii 3-1 kaga badiyay kooxda Aston Villa.

Waxa uu noqday kaliya ciyaaryahankii labaad ee labo jeer dhaliya kulankiisii ugu horeysay ee Premier League ee kooxda west ham ka dib Trevor Sinclair oo sidaas sameeyey kulan uu ka horyimid Everton bishii Janaayo 1998.

24 sano jirka reer England ee Lingard ayaa u soo ciyaaray dalkiisa bartamihii 2019, laakiin Moyes wuxuu rumeysan yahay qaabkii uu soo bandhigay kulankii aston Villa inuu horseedi karo in loogu yeero Three lions.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*