Home Warar Ciyaaraha Maanta David Raya oo Ka Hadlay saamaynta uu ku leeyahay Arsenal ka dib...

David Raya oo Ka Hadlay saamaynta uu ku leeyahay Arsenal ka dib markii uu laba badbaadin oo cajiib ah sameeyay

0

David Raya ayaa muujiyay saamaynta uu ku leeyahay Arsenal , ka dib markii uu laba badbaadin oo cajiib ah sameeyay uu Gunners dhibic ka siiyay kulankii Atalanta.

Ka dib qeybtii hore oo caajis ahaa kulanka, kooxda Mikel Arteta ayaa wajahday qalqal qeybtii labaad markii garsoore Clement Turpin uu rigoore ku abaalmariyay kooxda martida loo ahaa ka dib markii uu Thomas Partey uu xerada dhexdeeda ku jalaafay Ederson.

Garsooraha Faransiiska ayas u baahday aalada Var.

Dib u eegista dheer ee VAR, ayaa Raya uu uga faa’iideystay inuu la sheekeysto tababaraha goolhayaha Gunners.

Markii dib la isugu soo laabtay ciyaarta, goolhayaha Isbaanishka ayaa si caqli gal ah u badbaadiyay kubadii uu laaday Mateo Retegui.

Raya ayaa daaha ka qaaday la sheekesiga uu la yeeshay tababaraha goolhayaha ee Cana uu qayb ka qaatay badbaadintiisa.

Go’aankiisa ayuu ahaa inuu aado kursiga keydka inta lagu guda jiray dib u eegista VAR.

Arsenal ayaa u safreysa Etihad galabnimada Axadda, kulankaas oo noqon kara kulan qeexan oo ka tirsan ololaha  Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here