Tababare Thomas Tuchel ayaa ka faa’idaysanaya fursada uu ku eegayo ciyaartoy badan oo akadeemiyada Chelsea ah.
Blues ayaa heysata ugu yaraan lix ciyaaryahan oo ka maqnaan doona kulanka Arbacada EFL Cup ee Brentford sababo la xiriira coronavirus, iyadoo dhowr ciyaaryahan oo kale la sheegay inay dhaawacanyihiin.
Iyadoo Jorginho uu ku soo laabtay tababarka isniintii ka dib markii xaaladiisa coronavirus uu kasoo kabsaday Tuchel ayaa qaatay fursad uu ku qiimeeyo qaar badan oo ka mid ah rajada kooxda.
Si la mid ah Harvey Vale , oo lagu xaqiijiyay bogga rasmiga ah ee kooxda, Saxafiga Goal Nizaar Kinsella ayaa shaaca ka qaaday in sagaal ciyaaryahan oo kale ay joogeen tabarka.
Josh Brooking , Alfie Gilchrist , Dion Rankine , Xavier Simons , Josh Brooking, Jay Wareham , Bryan Fiabema , Lewis Baker iyo Xavier Mbuyamba ayaa dhamaantood u muuqda inay u tartamayaan kulanka Bees.
Kulanka ayaa haatan u muuqda mid la ciyaari doona iyada oo Premier League iyo EFL ay ku dhawaaqayaan rabitaan ah in la sii wado kulamada sida ay haatan u qorsheeyeen.