De Bruyne oo Fariin Digniin ah u diray Xidigaha kooxdiisa Manchester City

Ciyaaryahanka Manchester City Kevin de Bruyne ayaa ku adkeysanaya in tartanka horyaalka Premier League uusan dhamaanin.

Kooxda hogaanka u haysa horyaalka Premier League ee City ayaa dhibco lumisay markii ugu horaysay tan iyo bishii October sabtidii iyada oo barbaro 1-1 ah la gashay Southampton .

Natiijadu waxay soo gabagabaysay orodkii kooxda oo heysatay 12 guulood oo xidhiidh ah waxayna u ogolaatay Liverpool oo kaalinta labaad ku jirta inay fursad hesho madama kulan u harsanyahay.

De Bruyne ayaa u sheegay City TV : “Sida iska cad jadwalka bisha December waa kulamo badan oo mid walba soo socda, waxaana ku guuleysanay inaan badino dhamaantood, marka sida iska cad waxaan ku jirnaa meel wanaagsan.

“waxaan dooneynaa inaan isku dayno oo aan ilaalino taas. Mararka qaarkood marka aad badiso ciyaaro badan oo ah wakhtiga aad wax yar ka gaabinayso, laakiin waxaan isku dayeynaa inaan sii wadno heerkaas oo aan sii wadno xoojinta inta aan awoodno.

“Waxaan awoodnay inaan taas sameyno dhowr jeer sannadihii la soo dhaafay lakin xidigaha kooxda waxana kula talinayaa inaysan isdhigan madama horyaalka uu furanyahay.”

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*