Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Declan Rice ayaa diyaar u ah inuu adeegsado xanuun baabiyayaal si uu u ciyaaro kulanka ay Kooxdiisu la ciyaari doonto chelse Axada kulan ka tirsan premier League.
Rice ayaa jab ka soo gaaray suulka guuldaradii Arsenal ka soo gaartay Newcastle taas oo keentay in uu seego kulankii Champions League ee San Siro.
Laakiin ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal ayaa lagu daray xulka England ee wajihi doona Greece iyo Republic of Ireland, waxaana rajo wanaagsan laga qabaa inuu sidoo kale ku wajaho Chelsea garoonka Stamford Bridge.
Rice ayaa xitaa ku dhibtoonayay in uu xidhato kabaha horraantii todobaadkan waxana uu awoodi waayay in uu tababar la qaato kooxda Arsenal laakiin kooxda ayaa ka rajo qabta in uu ciyaaro kulanka chelsea.
Tababaraha Gunners Mikel Arteta ayaa u baahan Rice si uu u wajaho Chelsea maadaama xilli ciyaareedka kooxdu halis ku jiro iyada oo 7 dhibcood ka dambaysa hogaamiyayaasha horyaalka.