Home Warar Ciyaaraha Maanta Declan Rice oo ku khilaafay go’aankii casaanka looga saaray kulankii ay Arsenal...

Declan Rice oo ku khilaafay go’aankii casaanka looga saaray kulankii ay Arsenal bar-baraha la gashay Brighton

0

Declan Rice ayaa ku khilaafay go’aankii casaanka looga saaray kulankii ay Arsenal bar-baraha la gashay Brighton laakiin waxa uu wacad ku maray in uu wax ka baran doono kana fiicnaan doono sidan.

Rice ayaa kaarka jaalaha ah ku qaatay khalad uu ku galay Joel Veltman ka hor inta uuna kaadhka 2-aad ku qaadan kubad uu ka laagay xiddig laad xor ah laadanayay.

Kaadhka cas ayaa keentay in ay Brighton bar-barayso ciyaarta iyada oo uu u dhaliyay xiddiga Joao Pedro.

Waxa uu soo dhigay Instagram:”Waan niyad jabay, uma malaynayo in aan u qalmay kaadhka 2-aad ee digniinta ah laakiin wax ayaan ka baran doonaa”.

“Waan ku faanayaa kooxda waxa ay qabteen shaqo fiican, waxa aan taageerayaasha uga mahad-celinayaa taageeradooda cajiibka ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here