Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Declan Rice ayaa la xaqiijiyay in uu seegi doono kulanka ay kooxdiisu la ciyaari doonto Inter Milan.
Arsenal ayaa booqanaysa Inter kulan ka tirsan champions League kulankii 4-aad ee tartanka.
Rice ayaa ku seegi doona kulanka sababo la xiriira dhaawac lugta ah oo ka soo gaadhay kulankii Newcastle.
Sidoo kale waxa uu shaki ku jiraa xiddiga kulanka ay Gunners u safri doonto chelsea Axada.
“Nasiib darro Declan waxa uu dhaawac ka soo gaaray kulankii Newcastle,” ayuu yiri Arteta.
“Waxa uu awooday in uu ciyaarta dhameeyo laakiin ma dareemayn wax fiican maalmihii ugu dambeeyay sidaas darteed waa in aan qiimaynaa khamiista si aan u fahano in uu taam u noqon doono iyo in kale todobaadka”.