Home Warar Ciyaaraha Maanta Deco oo shaaca ka qaaday sababaha ay ula soo saxiixan waayeen xiddiga...

Deco oo shaaca ka qaaday sababaha ay ula soo saxiixan waayeen xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Athletic Bilbao Neco Williams

0

Agaasimaha ciyaaraha ee FC Barcelona, ​​Deco, ayaa shaaca ka qaaday sababaha ay ula soo saxiixan waayeen xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Athletic Bilbao, Neco Williams suuqii xagaaga.

Barcelona ayaa doonaysay inay xagaagii la soo saxiixato xiddiga reer Spain laakiin Walliams ayaa sii joogay kooxdiisa.

Deco oo la hadlaya Wargayska Sport ayaa yidhi”Tababaruhu wuxuu yiri laga bilaabo maalinta koowaad: Haddii aanaan xoojin karin kooxda isla markaas aanan kor u qaadi karin tayada kooxda waa in aan sii haysano xiddigaha hada jooga kooxda”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “si fiican ayaan wax u qiimaynaynaa, ma qaadano go’aano deg-deg ah, waxa kooxda haatan jooga Rafinha, Ferran Torres iyo Ansu Fati”.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Barcelona waxa kale oo ay haysataa ciyaartoy sida Lamine Yamal, Fermin Lopez, iyo Dani Olmo kuwaas oo awood u leh inay ka ciyaaraan garabka bidix.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here