Home Warka Xiisaha Leh DEG-DEG: Waqtiga La Samaynayo Isku-aadka Horyaalka Premier League, Xilliga Uu Bilaabmayo Iyo...

DEG-DEG: Waqtiga La Samaynayo Isku-aadka Horyaalka Premier League, Xilliga Uu Bilaabmayo Iyo Waqtiga Lasoo Gabogabayn Doono Oo La Shaaciyey

0

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ee xilli-ciyaareedkani shalay oo Axad ahayd ayaa uu soo dhamaaday, haddana waxay durba kooxuhu bilaabeen isku-diyaarinta fasalka dambe oo ay ku dagaallami doonaan 17 kooxood oo hore usii joogay heerka koowaad iyo saddex heerka labaad kasoo dallacay.

Manchester City oo sannadkii saddexad oo xidhiidh ah ku guuleysatay horyaalka Premier League, isla markaana waqti dambe dhinac iskaga leexisay Arsenal oo muddo dheer hoggaanka soo haysay ayaa markii afraad u diyaar-garoobaysa in ay difaacato, si ay u noqdaan kooxdii koowaad ee afar jeer oo isku xigta ku guuleysata.

Southampton, Leicester City iyo Leeds United ayaa ka baxay saaxadda, sidoo kalena Burnley, Sheffield United iyo Luton Town ayaa soo beddelay oo heerka Premier League kasoo muuqan doona fasalka dambe.

Premier League ayaa soo saaray waqtiga la samaynayo isku-aadka ee ay koox walba ogaanayso dariiqa dheer ee ay mari doonto xilli-ciyaareedka 2023/24, waqtiga uu horyaalku bilaabmayo iyo maalinta lasoo gabogabayn doono.

Waqtiga uu bilaabmayo xilli-ciyaareedka 2023/24

Horyaalka Premier League ee xilli ciyareedka 2023/24, waxa uu blabmi doona maalin Sabti ah oo ay taariikhdu tahay August 12, waxaana kaliya la sugayaa inta uu Premier League ku dhawaaqayo jadwalka si kooxaha lagu furayo loosii calaamadiyo.

Xilli-ciyaareedkii hadda tegay waxa horyaallada soo dhax-galay oo jadwalkooda khalkhaliyey Koobkii Adduunka ee lagu qabtay waddanka Qatar bishii November ee ay Arsenal ku guuleysatay, hase yeeshee fasaxa kooban ee jiilaalka waxa uu kusoo noqon doonaa waqtigiisii caadiga ahaa oo ah January 13 illa 20, kaddib marka la ciyaaro kulamada mashquulka ah ee waqtiga Ciidda Masiixiga iyo sannadka cusub.

Waqtiga lasoo gabogabayn doono horyaalka xilli-ciyaareedka dambe

Kulamada horyaalka Premier League cidhiidhi uma ahaan doonaan sidii xilli ciyaareedkii hadda dhamaaday ee labada bilood fasaxa loogu jiray Koobka Adduunka, waxaanay taasi kooxaha siinaysaa waqti nasiimo iyo in hal-mar ay ciyaaraan toddobaadkii.

Horyaalka Premier League waxa uu soo dhamaan doonaa oo kulamadiisa ugu dambeeya la ciyaari doona maalinta Axadd ah ee May 19, 2024.

Goorma ayaa la samaynayaa isku-aadka?

Su’aasha ay taageereyaasha kubadda cagtu raadinayaan jawaabteedu waa tan, waxaanay koox walba  taageereyaasheeduu doonayaan in ay ogaadaan maalinta isku-aadka iyo jadwalka la  dejinayo si ay ula socdaan dariiqa dheer ee loo marayo maalinta u dambaysa.

Premier League ayaa waxa uu sheegay, in jadwalka la samayn doono maalinta Khamiista ah ee June 15, waxaana 9ka subaxnimo lasoo saari doonaa sida loo ciyaarayo dhamaan 380 kulan ee Premier League ah ee dhici doona.

Previous articleErik Ten Hag oo xog cusub ka bixiyay xaalada dhaawaca garabka weerar ee kooxdiisa ee Antony Santos.
Next articleReal Madrid oo weerar lagu soo qaadayaa, lagana doonayo mid ka mid ah xiddigaha laf-dhabarta u ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here