DEG DEG: Chelsea oo lasoo Wareegtay Xidiga Marc Cucurella 

Chelsea ayaa xaqiijisay inay Marc Cucurella kala soo wareegtay Brighton & Hove Albion heshiis lix sano ah.

24-sano jirkaan ayaa soo jiitay indhaha kooxaha ugu sareeya Premier League ka dib xilli ciyaareedkiisii ​​​​ugu horeeyay ee South Coast, isagoo dhaliyay hal gool iyo labo caawin 38 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Cucurella ayaa ku soo bilowday 35 kulan oo Premier League ah intii uu ka hoos ciyaarayay Graham Potter waxana uu markii hore isha ku hayay Manchester City kaas oo ku kacay qiimihii Brighton ee ahaa 50 milyan ginni.

Natiijo ahaan, Chelsea ayaa awood u yeelatay inay afduubato u dhaqaaqista ciyaaryahankii hore ee Barcelona iyo Getafe, iyadoo kooxda heysata horyaalka Premier League ay diiday inay buuxiso dalabaadka dhaqaale ee Seagulls.

Horraantii usbuucan, Brighton ayaa beenisay jiritaanka heshiis ay Chelsea kula gashay Cucurella, iyadoo soo dhigtay Twitter: “Si ka soo horjeeda wararka aan sax ahayn ee warbaahinno badan caawa fiidkii, wax heshiis ah lama gaarin koox kasta si ay u iibiso Marc Cucurella.”

Blues ayaa sii waday in ay isha ku dhufato Seagulls iyaga oo barahooda bulshada kaga fal celinaya saxiixa xiddiga reer Spain, kooxda ayaana xaqiijisay in uu qalinka ku duugay heshiis lix sano ah oo ku eg ilaa 2028.

 

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*