Home Horyaalka Ingiriiska Dejan Lovren oo shaaca ka qaaday Sheekada Mohamed Salah ee Liverpool

Dejan Lovren oo shaaca ka qaaday Sheekada Mohamed Salah ee Liverpool

0

Mustaqbalka Mohamed Salah ee kooxda Liverpool ayaa ahaa mid si weyn loo hadal hayo tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkan. 

Weeraryahanka reer Masar ayaa shidaal kusii daray dabka horaantii xilli ciyaareedkaan isagoo sheegay inuu u furan yahay inuu dhaqaaqo mustaqbalka dhow.

28 jirkan ayaa xiddig u ahaa kooxda Jurgen Klopp ee Liverpool kuwaas oo kor u qaaday koobabka champions League iyo Premier League xilli ciyaareedyadii ugu dambeeyay. Saaxiibka ugu fiican ee Salah ‘ Dejan Lovren ayaa haatan sheegay in weeraryahanka Liverpool ay tahay inuu sii joogo Liverpool.

“Weli waxaan la xiriirayaa Mo Salah. Waxaan nahay saaxiibo fiican,” Lovren ayaa u sheegay talkSPORT . “Wax walba waan ka hadlaynaa. waxayna ila tahay in xidigan uu sii joogayo kooxda.

 

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here