Deportivo Alaves 0-1 Barcelona: De Jong oo guul waqti danbe timaaday ku caawiyay Blaugrana

Kooxda Barcelona ayaa daqiiqadii 87-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Frenkie De Jong kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay kaga badiyeen kooxda Deportivo Alaves.

Barca ayaa ciyaarta soo gashay kadib seddex kulan oo xiriir ah oo aan wax guul ah gaarin tartamada oo dhan.

Xavi iyo kooxdiisa ayaa caawa u muuqday kuwa mar kale bar-baro la kulmaya lakin Luuk de Jong ayaa waqtigii dhimashada ka Caawiyay guusha kulankan,

Wiilasha Xavi ayaa ka galay Real Sociedad kaalinta shanaad ee kala sarreynta horyaalka La Liga, iyagoo dhibic ka hooseeya Atletico Madrid.

Barca ayaa ay galaysaa laba toddobaad oo nasasho ah, waxaanay haysataa wakhti ay isugu diyaariso kulanka Atletico kula ciyaari doonto Camp Nou. Alaves, ayaa Febraayo 5-teeda, la ciyaari doonta Elche.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*