Home Horyaalka Germalka Devid Alaba oo ku xiraya mushaar culus kooxdii isaga dooneysa.

Devid Alaba oo ku xiraya mushaar culus kooxdii isaga dooneysa.

0

Daafaca kooxda bayern munich David Alaba ayaa dalbanaya mishaar weyn sida ay qortay telegraph xidiga ayaa aad ugu baahan chelsea inuu ku biiro maadama uu u  arko ineey tahay kooxda bixin karta mushaarka uu Rabo oo lagu qiyaasay 20 million.

Real Madrid ayaa weli ku jirta loolanka loogu jiro daafacaan tayada wamagsan waxaana ay kor kala socotaa dhaqdhaqaaqa Suuqa kala iibsiga ciyaaryahnada inyo kooxaha doonaya lacagaha mushaar ahaan usoo bandhigayaan.

Chelsea ayaa sidoo kale laga yaabaa waa inay ka tanaasusho rajadii ay kula soo wareegi laheyd David Alaba xagaagan hadii uusan hoos u dhigin dalabkiisa mushaharka maadama kooxaha dhan ay shiidsan yihiin.

Telefishanka ayaa sheegaya in xiddiga heerka caalami ee dalka Austria uu dalbanayo 20 milyan ginni oo u dhiganta ($ 27m) sanadkii kooxda uu ku biirayo.

Alaba ayaa si bilaash ah uga tagi doona kooxda Bayern Munich dhamaadka xilli ciyaareedka sidoo kale Real Madrid ayaa lala xiriiriyay.

 

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here