Devid Alaba oo si bilaash aha kaga tegaya bayern munich.

Kooxda bayern munich Gudoomiyaheeda Karl-Heinz Rummenigge ayaa aqbalay in David Alaba uu qarka u saaran yahay inuu ka tago kooxda Jarmalka kaas oo Qandaraaskiisu uu dhacayo bisha June 30, 2021, Xidiga ayaana gorgortan la geli karaa ciddii uu doono laga bilaabo Janaayo 1, 2021, Real Madrid ayaana ugu cadcad inay noqoto halka uu ku sii jeedo sidoo kale Man city iyo barcelona ayaa doonayaan daafacaan in Safkooda ku adkeeyaan.

Rummenigge wuxuu ka hadlay bixitaanka Alaba ee suurto galka ah wuxuuna umuuqdaa inuu aqbalay in laacibku baxo Bayern waxay sameysay wax walba oo aan awoodno si aan isugu dayno oo aan heshiis u gaarno ayuu yiri Rummenigge.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa yiri Wadahadal badan ayaan yeelanay, laakiin jawaabo ayaan ka dooneynay dhammaadka Oktoobar laakinTani ma dhicin mana garanayo haddii aan ku laabaneyno wadahadalada Waxa aan doonayo inaan ku cadeeyo ayaa ah in dalabkeena uu muujiyay sida saxda ah ee aan u qiimeyno isaga, laakiin ma uusan aqbalin dalabkeenii.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya inuu ku sii jeedo Real Madrid halkaasoo uu bilaash ku tagi karo Rummenigge ayaa yidhi: “Waxba kama ogi wararka xanta ah ee Real Madrid Wuxuu xor u yahay inuu la hadlo ciddii uu doono laga bilaabo 1-da Janaayo”.

Ciyaaryahanka ayaa isha ku haya inuu u dhaqaaqo Spain, laakiin sidoo kale waxaa la sheegay inuu qiimeynayo xulashooyinka Paris Saint-Germain iyo Chelsea.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*