
David Alaba wali go’aan kama gaarin halka uu ka ciyaari doono xilli ciyaareedka 2021-22, waxaase doonayaan kooxaha ugu tunka weyn qaarada yurub oo ay weyb ka yihiin Real madrid, barcelona, manchester city iyo PSG sida laga soo xigtay Le10Sport.
Alaba ayaa ku dhawaaqay inuu ka tagi doono kooxda Bayern Munich dhamaadka xilli ciyaareedkan isagoo ah mid ku bixi karo qaabka xorta ah waxaana warbixin soo baxday isbuucii la soo dhaafay lagu sheegay inuu cadeeyay inuu ogolaaday inuu ku biiro Barcelona.
Laakiin wax go’aan ah weli lama gaarin, iyadoo PSG iyo Real Madrid ay sidoo kale yihiin kooxaha loolanka adag isugu haya xiddigga reer Austrian.
Be the first to comment