Home Warar Ciyaaraha Maanta Dhaawacyo Durba ku bilowday Kooxda Manchester United, Xidigo Cusub oo Qeyb ka...

Dhaawacyo Durba ku bilowday Kooxda Manchester United, Xidigo Cusub oo Qeyb ka ah

0

Kooxda Man United ayaa war xun ka heshay xaalada xiddigeeda cusub ee Lenyo Yoro.

Yoro ayaa ku bilowday kulankii ay Man United la ciyaartay Arsenal ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Laakiin xiddiga ayaa kaliya ciyaaray 32 daqiiqo ka hor intii aanu dhaawac uga bixin kulanka.

Xiddiga ayaa United ugu soo biiray lacag dhan 62 milyan oo euro waxana uu ciyaaray kulankiisii 2-aad ee kooxda.

Man United ayaa ka wal-walsan xaalada daafaca oo ay doonaysay in ay ku tiirsanaanto bilowga xilli ciyaareedka cusub.

Dhaawaca Yoro ayaa imanaya todobaad ka hor kulanka ay Man United la ciyaari doonto Man City kulanka Community Sheield ee bilowga xilli ciyaareedka cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here