
Wolves ayaa si isa soo taraysa ugu kalsoon tahay inay sii haysanayaan Ruben Neves xagaagan.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Portugal ayaa diirada u saaran Manchester United .
Si kastaba ha ahaatee, Wolves ayaa aaminsan inaysan jirin koox la imaan doonta dalab xitaa ku dhow qiimaha ay ku doonayaan.
Mail Plus ayaa daaha ka qaaday in Wolves ay dareemayso in xilli ciyaareedka cusub uu aad ugu dhow yahay iibinta Neves.
25-sano jirku waxa uu ahaa halbowlaha kooxda dhowrkii sano ee la soo dhaafay.
Waa qayb muhiim ah oo ka mid ah qorshaha tababare Bruno Lage, inkastoo uu ka fikirayay inuu baxo markii xilli ciyaareedkii hore la soo gabagabeeyay.
Be the first to comment