Lionel Messi ayaa ku guuleystay abaalmarintii 7aad ee Ballon d’Or xalay oo Isniin aheyd laakiin waxa uu ku sigtay inuu abaalmarinta u waayo Robert Lewandowski.
Halyeeyga reer Argentina oo 34 sanno jir ah ayaa mar kale qaaday abaalmarinta weyn 12 sannadood ka dib markii uu ku guuleystay midiisii ugu horeysay.
Laakiin taageerayaal badan ayaa ka carooday in Messi uu abaalmarinta ka qaaday Lewandowski oo kaalinta labaad galay.
Xiddiga Bayern Munich ayaase ku guuleystay abaalmarinta cusub ee Weeraryahanka Sannadka, laakiin waxa uu seegay abaalmarintiisii ugu horeysay ee Ballon d’Or.
Si kastaba, waxaa soo baxday in Lewandowski uu aad ugu dhawaa inuu ku guuleysto abaalmarinta sannadkan, iyadoo sannadkii hore oo uu isagu ugu cadcadaa abaalmarinta loo baajiyay Korona Fayras darteed.
Messi ayaa ku qaaday abaalmarinta codad gaaraya 613 dhibcood, isagoo kaliya 33 dhibcood dheeraa Lewandowski oo helay 580 dhibcood.
Jorginho oo seddexaad soo galay ayaa isna helay 460 dhibcood ka dib markii uu Chelsea ka caawiyay haanshada Champions League halka uu Italy ka caawiyay hanashada Euro 2020.
Karim Benzema oo afaraad galay ayaa helay 239 dhibcood, wuxuuna ka sarre maray N’Golo Kanre oo helay 186 dhibcood islamarkaana galay kaalinta shanaad.
Cristiano Ronaldo oo haatan labo Ballon d’Or ka danbeeya ninka ay xafiiltamaan ee Messi ayaa helay 178 dhibcood.
Xiddiga Man United wuxuu ka sarre maray Mohamed Salah oo ka mid ahaa ragga ugu cadcad abaalmarintaan iyadoo xiddiga Liverpool uu helay 121 dhibcood.
Kevin de Bruyne oo sideedaad ku dhameystay ayaa helay 73 dhibcood isagoo ka sareeyay Kylian Mbappe oo u muuqday mid ka careysan kaalinta 9aad oo ah booskiisii ugu hooseeyay abid isagoo helay 58 dhibcood.
Gianluigi Donnarumma oo ku guuleystay abaalmarinta Goolhayaha Sannadka ayaa helay 36 dhibcood.