Diallo oo qarka u saaran inuu dhameystiro heshiiska Man Utd

Photo/Getty Image

Garabka Atalanta Amad Diallo ayaa lagu wadaa inuu u duulo England horaanta bisha Janaayo si uu u dhameystiro ku biiristiisa Manchester United , a 25m (£ 27.3m) oo lagu daray heshiisyo dheeri ah oo xagaagii hore la isla meel dhigay.

18 jirkaan ayaa sugayay inuu helo Baasaboor Talyaani ah, taasoo u sahlaysa inuu helo ruqsadda shaqada si uu ugu biiro kooxda Ole Gunnar Solskjær, taas ayaana soo martay toddobaadkan. United ayaa ugu danbeyn ku bixin doonta 40 milyan oo ginni wiilka aadka loo qiimeeyo hadii uu gaaro dhamaan heshiisyada shanta sano ah.

Ivorian-ka ayaa horay ula hadlay Solskjær wuxuuna diyaar u yahay inuu kubilowdo England kadib shan sano oo uu la joogay Atalanta . Waxa uu shan kulan u saftay kooxda reer Talyaani, isagoo dhaliyay hal gool, laakiin inta badan kursiga keydka ayuu fadhiyay xilli ciyaareedkan.

Juventus ayaa dooneysay inay lasoo saxiixato da ‘yarka laakiin United ayaa ku guuleysatay tartanka, Solskjær ayaana ku farxi doona inuu helo fursad kale oo weerarka ah inta ka harsan xilli ciyaareedkaan.

 United ayaa u dhaqaaqday kaalinta seddexaad ee Premier League usbuucaan ka dib markii ay 6-2 kaga badiyeen Leeds . Kooxda Solskjær ayaa shan dhibcood ka dambaysa kooxda hogaanka haysa ee Liverpool kulan baaqi u yahay.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*