Waxa uu dib u dhac ku yimid rajadii Man United ee ahayd in ay hesho Luke Shaw ku soo laabto garoomada kadib fasaxa xulalka.
29-sano jirkaan ayaa ku dhibaatoonaya dhaawacyo sanadkan isaga oo aan u ciyaarin kooxda muddo sabab la xidhiidha dhaawac.
Shaw markii ugu dambeysay wuxuu ciyaaray kulan Man United ah bishii February 18 markaas oo ay Man United ka badisay kooxda Luton Town.
Tan ilaa markaas daafaca bidix ayaan ciyaarin wax kulan ah waxana uu ku jiraa qolka dhaawaca.
Laakiin Man United ayaa war xun ka heshay iyada oo uuna xiddigu ku soo laaban doonin kooxda.