Home Wararka Ciyaaraha Diego Simeone oo qirtay in Saul Niguez uu ka tagi karo kooxda...

Diego Simeone oo qirtay in Saul Niguez uu ka tagi karo kooxda Atletico Madrid xagaagan

0

Tababaraha Atletico Madrid Diego Simeone ayaa qirtay in Saul Niguez uu ka tagi karo Wanda Metropolitano inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

26-sano jirkaan mustaqbalkiisa caasimada Spain ayaa weli su’aal la gelinayaa, iyadoo Barcelona , Manchester United iyo Liverpool dhamaantood la rumeysan yahay inay xiiseynayaan saxiixiisa.

Simeone ayaa ku tilmaamay ciyaaryahanka reer Spain mid muhiim u ah Atletico laakiin waxa uu sheegay in ciyaaryahanka khadka dhexe uu ka tagi doono kooxda hadii uu doonayo inuu koox cusub ka raadsado suuqa haatan jira.

Aad ayuu muhiim ugu yahay Atletico maxaa yeelay wuxuu u ciyaari karaa garabka midig, qadka dhexe. Wuxuu na siiyaa fursado badan oo aan isaga ku kalsoonaan karno. Waa laacib ku jira qaabkaas una ciyaara sida tababaraha isaga ayaa u baahan, si fiican ayuu u soo bandhigayaa.

“Meel iskama dhigi karno waxa lagu xanto iyo waxa laga hadlayo, hadii ay tahay inuu baxo, hab weyn ahaan u sagootinee aa, ​​waxaan u rajeenayaa sida ugu fiican wiilasha nolosheena nasiiyay iyo inaan sii ahaano saaxiibtinimo, sida had iyo jeer ah, ama Barcelona ama meel kale. ”

Atletico iyo Barcelona ayaa loo maleynayaa inay ka wada hadlayaan heshiis isku badalasho Saul iyo Antoine Griezmann , laakiin warbixin dhowaan soo baxday ayaa sheegtay in wakiilka ciyaaryahanka reer Spain uu sidoo kale la hadlayay Man United iyo Liverpool.

Previous articleFabrizio Romano oo ka Hadlay in Arsenal ku dhowdahay Tammy Abraham
Next articleWararka Suuqa kala iibsiga Maanta: Chelsea oo la Hadashey Wakiilka Robert Lewandowski, Liverpool oo direysa Shan Ciyaaryahan Iyo Qodobo kale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here