Ciyaaryahankii hore ee Manchester United Dimitar Berbatov ayaa sheegay in kabtanka Real Madrid Sergio Ramos uu noqon doono saxiix cajiib ah hadii uu ku biiro kooxda heysata horyaalka English 20 jeer.
Heshiiska Ramos ee haatan ee Bernabeu ayaa dhacaya bisha June ee soo socota, warbixin dhawaan soo baxday ayaa sheegtay in Los Blancos aysan weli u soo bandhigin 34 jirkaan qandaraas cusub.
United ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain, Berbatov ayaana kalsooni ku qaba in “ay si fiican uga shaqeyn doonto” labada dhinacba hadii da ‘yarkii hore ee Sevilla uu ku biiro kooxda Ole Gunnar Solskjaer .
“Waxaa jiray waxyaabo badan oo la isla dhexmarayay oo ku saabsan mustaqbalka Sergio Ramos – sida ay sheegayaan wararka ciyaaryahanka iyo kooxduba weli wax heshiis ah kama gaarin heshiis cusub. Iyadoo Ramos uu 34 sano jir yahay, waxay u badan tahay inuu muddo hal sano ah. ama qandaraas labo sano ah saxiio, ”Berbatov ayaa u sheegay Betfair .
“ Thiago Silva , oo xitaa ka weyn 36 sano jir, wuxuu u dhaqaaqay Premier League ilaa iyo hadana wuxuu si fiican ugu ugu ciyaaray kulamadii ugu danbeeyay
“Waan hubaa hadii Ramos uu doonayo inuu u dhaqaaqo koox sida United ah markaas si fiican ayuu isagana u soo bandhigidoonaa. Isagu wuxuu ku jiraa qaab ciyaareed wanaagsan, weli waa daafac heer caalami ah, feker ahaanteydna weli kubad badan ayaa ku hartay .
Liverpool , Manchester City , Arsenal , Chelsea iyo Tottenham Hotspur ayaa sidoo kale dhammaantood la sheegayaa inay xiiseynayaan Ramos, kaasoo dhaliyey 100 gool 660 kulan oo uu u saftay Madrid tan iyo 2005.