Diogo Jota oo dib ugu soo laabtay laguna arkay Tababarka kooxda Liverpool

Xiddiga Liverpool Diogo Jota ayaa lagu arkay xarunta tababarka kooxda ee AXA markii ugu horaysay kadib markii uu dhaawac ka soo gaadhay kulankii champions League ee Midtjylland.

Dhaawaca Jota uma baahnin wax faragelin qalliin ah, laakiin taasi micnaheedu maahan in dhaawiciisu uusan ahayn mid halis ah.

Ciyaaryahanka ayaa haatan la shaqeynaya shaqaalaha caafimaadka ee kooxda si uu dib ugu helo taam ahaanshihiisa isagoo mari doona qaab dhaqan celin dheer ah oo amaan ah halkii qaliin lagu sameyn lahaa.

Fiidiyowga oo la soo dhigay baraha bulshada ee Liverpool ayaa muujinaya Jota oo dhex ordaya garoonka dhexdiisa isla markaana si fudud kubbadda ugu tababaranaya.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*