Home Warka Xiisaha Leh Diogo Jota oo magacaaay ciyaartoyga uu aadka u jeclaan lahaa in uu...

Diogo Jota oo magacaaay ciyaartoyga uu aadka u jeclaan lahaa in uu yimaaddo Anfield ee uu ku riyooodo

0

Xiddiga Liverpool ee Diogo Jota ayaa magacaaay ciyaartoyga uu aadka u jeclaan lahaa in uu yimaaddo Anfield ee uu ku riyooodo iyaga oo u wada ciyaaraya Liverpool, kaddib markii ay qolka labbiska kusoo wadaageen xulka qaranka Portugal.

Jota oo Liverpool ku biiray xagaagii 2020, ayaa waxa uu afka hore ee weerarka tartan adag kula galay saddexlaydii isku-duubnayd ee Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Roberto Firmino oo ugu dambayntii labada dambe ay ka baxeen Anfield.

Laacibkan oo horeba khibrad badan ugu soo helay kooxdiisii hore ee Wolves oo uu laba sannadood u ciyaaray ka hor intii aanu imanin Liverpool, ayaa waxa uu xilli-ciyaareedkiisii koowaad ee 2020/21 u dhaliyey Liverpool 21 gool oo dhamaan tartamada ah, balse xilli-ciyaareedkii tegay ayay ragaadiyeen dhaawacyo hoos u dhigay heerkiisa ciyaareed.

Diogo Jota oo ka garab ciyaaray xiddigaha xulka Portugal ee Cristiano Ronaldo iyo Bruno Fernandes, ayaa la weydiiyey ciyaartoyga uu jeclaan lahaa in ay Liverpool iyo xulkaba u wada ciyaaraan, waxaanu markiiba lasoo booday Bernardo Silva.

Jota ayaa yidhi: “Aniga aragtidayda, Bernardo Silva waxa uu ka mid yahay ciyaartoyda ugu maskaxda badan kubadda cagta, waanan hubaa sababtoo ah waan aqaannay muddo dheer.

“Sida uu kubadda uga qarin karayo ciyaartoyda kasoo horjeedda ayaa uu cajiib ku yahay. Isaga ayaan dooran lahaa.”

Bernardo Silva ayaa lix sannadood oo uu guulo badan gaadhay u ciyaaray Manchester City oo sannadkii 2017 kasoo iibsatay Monaco, waxaana uu ka caawiyey in Pep Guardiola uu ku guuleysto shan Premier League, Champions League iyo koobab kale oo badan.

29 jirkan ayaa waxa uu City u saftay in ka badan 200 ciyaarood, dhowaanna waxa uu saxeexay heshiis cusub oo socon doona illaa sannadka 2026.

Previous articleKylian Mbappe oo xalay barbarreeyey rikoodhkii gool-dhalinta ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi
Next articleJurgen Klopp oo soo saaray liiska xiddigaha kooxdiisa ee kulanka adag ee duhurka maanta ay martida u noqonayaan Wolverhampton Wanderers

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here