Diogo Jota, Trent Alexander-Arnold oo ku soo baxay liiska ciyaartoyda bisha ee PL

Labada ciyaaryahan ee Liverpool Diogo Jota iyo Trent Alexander-Arnold ayaa labaduba u sharaxan abaal marinta ciyaaryahanka bisha ee Premier League ee November.

Maqnaanshaha Roberto Firmino ,ayaa keentay in Jota uu u ciyaaro kooxda Jurgen Klopp dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay, isagoo labo gool ka dhaliyay Southampton sidoo kalena goolal kale ka dhaliyay Arsenal iyo Everton.

Dhanka kale Alexander-Arnold ayaa dhaliyay gool iyo caawin kulankii ay guuldarada ka soo gaartay West Ham United ka hor inta uusan samayn laba gool oo ay kooxdiisu ku garaacday Gunners, wuxuuna sidoo kale caawin kale sameeyay kulankii Southampton.

Labada ciyaaryahan ayaa hadda u sharaxan abaalmarinta ciyaaryahanka bisha ee PL, iyadoo labada ciyaaryahan ee Manchester City Joao Cancelo iyo Bernardo Silva ay sidoo kale u sharaxan yihiin abaalmarinta iyadoo ay ku wehliyaan Watford Emmanuel Dennis iyo Aston Villa xidigeeda John McGinn .

Michail Antonio , Cristiano Ronaldo iyo Mohamed Salah ayaa ku guuleystay seddexdii abaalmarin ee ugu horeysay xilli ciyaareedka 2021-22.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*