Donny van de Beek oo aan Awoodin inuu ka tago Man United bishii Janaayo

Laacibka Manchester United ee Donny van de Beek ayaa lagu soo waramayaa inuusan awoodi doonin inuu u wareego meel kale bishaan sababo la xiriira isku badalka wakiilkiisa.

Xaalada ciyaaryahankii hore ee Ajax ayaan soo hagaagin tan iyo markii uu kooxda ka tagay Ole Gunnar Solskjaer , taasoo keentay in wali si weyn loola xiriirinayo inuu u dhaqaaqayo meel kale.

Van de Beek oo la soo jeediyay in uu u wareego Everton xagaagii hore ayaa ugu dambeyntii burburay, taasoo keentay in wakiilka khadka dhexe Guido Albers uu la shaqeeyo Ali Dursun .

Si kastaba ha ahaatee, The Mirror ayaa ku warameysa in Van de Beek uu weli qandaraas adag kula jiro wakiilkii hore ee Albers, Dursun ma awoodi doono inuu u dhaqmo qeyb ka mid ah wefdiga Dutch-ka iyadoo aan ogolaansho ka haysan Albers.

“Heshiiskaas labada sano ah ma dhacayo ilaa dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Van de Beek ayaan wali ku soo bilaaban kulan Premier League ah xilli ciyaareedkan waxana uu ciyaaray kaliya 67 daqiiqo oo kubada cagta ah xilli ciyaareedkii 2021-22.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*