Donny van de Beek oo xiiso ka helaya kooxda Inter Milan ee Dalka Taliyaaniga

Inter Milan ayaa lala xiriirinayaa xiddiga qadka dhexe ee Manchester United Donny van de Beek .

Van de Beek ayaa ku dhibtooday muddadii koobnayd ee uu joogay Red Devils, wuxuuna ahaa bedel aan la isticmaalin kulankii West Ham.

L’Interista ayaa sheegeysa in kooxda heysata horyaalka Talyaaniga ay miisaameyso u dhaqaaqista ciyaaryahanka qadka dhexe ee United, kaasoo 35 milyan oo ginni uga yimid Ajax .

24 jirkaan ayaa loo soo bandhigay lix daqiiqo oo dhif ah ciyaartii Newcastle ka dib markii uu kaliya afar kulan oo Premier League ah ku bilowday ololihii lasoo dhaafay.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*