Dusan Vlahovic oo Cadeeyay Kooxaha uu Xiiseenayo inuu ku biiro

Dusan Vlahovic ayaa lagu soo waramayaa inuu bartilmaameedsan doono sii joogista Serie A marka uu ka tago Fiorentina dhamaadka sanadkan.

Iyadoo wax ka yar 18 bilood ay ka harsan tahay qandaraaskiisa, waxaa durbaba aqbalay dhammaan dhinacyada in xiddiga heerka caalami ee dalka Serbia uu ka tagi doono mid ka mid ah labada suuq ee soo socda.

Heshiiska xagaaga ayaa u muuqda inuu aad ugu dhow yahay iyadoo kaliya kooxda Premier League ee Arsenal ay diyaar u tahay inay lasoo wareegto Xidigan.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay football.london , Vlahovic wuxuu sii waday mawqif ah in ka ciyaarista England uusan ahayn mid ka mid ah ajandihiisa.

Warbixinta ayaa sheegeysa in 21-sano jirkaan uu u sheegay saaxiibadiisa inuu doorbidayo inuu u saxiixo midkood Inter Milan ama Juventus dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sida ay hadda tahay, labada naadi midkoodna ma awoodi doono inuu bixiyo qiimaha Fiorentina, oo lagu sheegay inuu yahay 70 milyan ginni, ilaa ay iibiso ciyaartoyga.

Vlahovic ayaa tan iyo bishii Ogosto ka mid ahaa ciyaartoyda ugu bandhiga fiicnaa horyaalka heerka kowaad ee Italy, wuxuuna ka qayb qaatay 16 gool iyo laba caawin 20 kii kulan ee uu ku soo bilawday.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*