Eden Hazard oo go’an ka gaaray Waqtiga uu ka tagayo Kooxda Real Madrid

Eden Hazard ayaa lagu soo waramayaa inuu diidan yahay inuu ka tago Real Madrid inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga ee Janaayo, waxaana uu doonayaa inuu sii joogo Bernabeu ilaa xagaaga ka hor inta uusan go’aan ka gaarin mustaqbalkiisa.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Belgium ayaa ku dhibtooday inuu soo bandhigo qaab ciyaareedkiisa ugu wanaagsan Los Blancos tan iyo markii uu ka yimid Chelsea bishii Luulyo 2019, halka uu mar kale ku adkeystay xilli ciyaareedkan, isagoo gacan ka geystay kaliya labo caawin 16 kulan oo uu saftay.

Newcastle United ayaa lagu xamanayaa inay dalab dhawaan ka gudbisay weeraryahanka ay aqbashay Real Madrid, laakiin 31 jirkaan ayaa iska diiday fursad uu ugu dhaqaaqo St James’ Park.

Sida laga soo xigtay Marca , inkastoo uu ku dhibtoonayo inuu si joogta ah u ciyaaro xilli ciyaareedkan, Hazard ma xiiseynayo inuu ka tago Bernabeu bishaan.

Warbixinta ayaa sheegeysa in kooxda Carlo Ancelotti ay ka go’an tahay inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka reer Belgium sanadkan si ay boos uga helaan mushaarka ay qaataan Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe iyo kan Borussia Dortmund Erling Braut Haaland .

Hazard, oo dhaliyay shan gool, islamarkaana loo diiwaan geliyay 10 caawin 59 kulan oo uu u saftay Real Madrid, ayaa waxaa weli labo sano iyo bar uga harsan qandaraaskiisa caasimadda Spain.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*