Xiddiga reer Belgium ee ku dhibaatoonaya garoonka Santiago Bernabeu ayaa helay dalab uga yimid koox lama filaan ah oo u noqon karta marinkii uu kaga bixi lahaa ciyaar la’aanta ku haysata Real Madrid oo ku dishay kursiga kaydka.
Eden Hazard oo ay da’diisu tahay 32 jir ayaa ku fashilmay Real Madrid oo sannadkii 2019 kaga soo iibsatay Chelsea €140 milyan oo Euro, waxaana ragaadiyey dhaawacyo sababay in uu hoos u dhaco qaab-ciyaareedkiisu.
Afartii sannadood ee uu joogay Real Mdrid ayaa waxa uu kaliya u saftay 76 ciyaarood oo uu inta badan kusoo galay beddel, waxaana uu u dhaliyey toddoba gool iyo 12 kale oo uu caawiye ka noqday.
Inkasta oo uu Real Madrid kula guuleystay toddoba koob oo uu ku jiro Champions League oo ay kooxdiisu u dabbaal-degtay isaga kursiga kaydka ka daawanaya amaba dhaawac ah oo gurigiisa ku sugan, waxa hadda uu dalab ka helay kooxda horyaalka MLS ee ka dhisan waddanka Canada ee Montreala.
Hazard ayaa la sheegay in aanu wali go’aan ka gaadhin dalabkaas, iyadoo uu dhowaan ku adkaystay in uu sii joogi doono Real Madrid illaa inta uu dhamanayo qandaraaskiisa oo uu sannad ka hadhsan yahay, maadaama uu cimrigiisa ciyaareed gabogabo ku dhowyahay sidoo kalena aanu waqtigan helaynin koox bixin karta mushaharkiisa Real Madrid oo kale oo uu sannadkii ka qaato €23 milyan oo Euro.
Waxa kale oo Hazard lala xidhiidhinayaa Newcastle United oo ku doonaysa heshiis xor ah iyo kooxo ka dhisan Carabta, halka Real Madrid ay diyaar u tahay inay bilaash ku fasaxdo.