Home Horyaalka Spain Eden Hazard oo mar kale dhaawacmay iyadoo la shaaciyay mudada uu garoomada...

Eden Hazard oo mar kale dhaawacmay iyadoo la shaaciyay mudada uu garoomada ka maqnaanayo

0

Masiibada dhaawacyada xiddiga Eden Hazard ayaa sii socota iyada oo uu xiddigu mar kale dhaawcmay.

Eden Hazard ayaa ka dhaawacmay muruqa waxana la xaqiijiyay in uu garoomada ka maqnaan doono muddo u dhexaysay 4 ilaa 6 todobaad.

Sidaas darteed Hazard ayaa seegi doona kulanka lugta 1-aad ee ay Real Madrid la ciyaari doonto kooxda Atalanta isaga oo ku soo laaban doona lugta 1-aad.

Hazard ayaaa ka qayb qaatay tababarkii Salaasadii laakiin seegay tabaabrkii Arbacada waxana uu wargayska Marca sheegayaa in uu xiddigu ka tagay tababarka isaga oo dhamaysan.

Idaacada COPE ayaa intaas ku daraysa in uu Hazard maray baadhitaano Arbacadii laguna ogaaday dhaawac muruqa ah.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here