Garabka weerar ee Real Madrid ee Eden Hazard ayaa shaaca ka qaaday nooca xidhiidhka kala dhaxeeya tababarihiisa Carlo Ancelotti oo aan sidii ugu fiicnayd ahayn.
Hazard ayaa wakhti adag kusoo maray Madrid tan iyo markii uu ku biiray 2019, xiddigii hore ee Chelsea ayaa ku dhibtoonaya inuu muujiyo sababta lacag ka badan 100 Milyan oo euro looga soo bixiyay.
32 sano jirkaas ayaa haatan qirtay sida uusan ugu faraxsanayn ciyaaris la’aantiisa xilli tababare Carlo Ancelotti uusan xataa bedel ku keenin.
Hazard ayaan hal daqiiqo oo La Liga ama Champions League ah ciyaarin tan iyo markii uu kasoo noqday Koobka aduunka walow uu intaasba diyaar ahaa.
Hazard oo xidhiidhka kala dhaxeeya Ancelotti dhinaca kale ka hadlay ayaa sheegay inay ixtiraam isu hayaan balse aan wax wadahadal ahi ka dhaxayn.
“Waxaan jeclaan lahaa inaan joogo, markasta waan idhaahdaa sidaas. Waxaan rajaynayaa inaan ciyaaro oo muujiyo inaan wali samayn karo” ayuu Eden u sheegay AS.
“Dadku shakiyo ayay iga qabaan, taasi waa caadi waan fahmi karaa laakiin aniga ahaan wali halkan ayaan joogaa sanadka dambe, marnaba ma sheegi kartid waxa dhacaya balse heshiis aan ku baxo ma qorshaynayo”.
“Waxa jira ixtiraam noo dhaxeeya Ancelotti iyo aniga, balse ma odhanayo waanu wada hadalnaa sababtoo ah ma wada hadalno balse markasta ixtiraam ayaa jira”.
“Waa inaan ixtiraamo nin Ancelotti oo kale ah oo aan ku ixtiraamo wuxuu ku matalo kubadda cagta iyo waxa uu waayihiisa ciyaareed soo sameeyay”.
Los Blancos ayaa xagaaga u furan inay iibiyaan Hazard oo galaya 12-kii bilood ee ugu dambeeyay heshiiskiisa kooxda.