
Manchester United weeraryahankeeda Edinson Cavani ayaa raaligelin soo dhigay warbaahinta bulshada ka dib kulankii Southampton ee Axada
Xiddiga reer Uruguay ayaa dhiirigeliyay guushii soo laabashada aheyd ee United ee 3-2 kaga badisay Southampton isagoo dhaliyay labo gool ka dib markii uu kursiga keydka ka soo kacay waqtigii nasashada.
Isagoo ka jawaabaya fariin hambalyo ah oo uu soo dhigay Instagram, Cavani wuxuu adeegsaday ereyga Isbaanishka ‘negrito’, oo loo tarjumay ‘madow’.
33 jirkaan ayaa ku adkeysanaya inuu “gebi ahaanba ka soo horjeedo cunsuriyadda”, isagoo tirtiray ka dib markii laga warqabay macnaha uu leeyahay.
“Fariinta aan soo dhigay ciyaarta kadib axadii waxaa loogu talagay salaanta kalgacalka leh ee saaxiibkey, waxaan uga mahadcelinayaa hambalyada uu sameeyay ciyaarta kadib,” ayuu ku yiri hadal uu soo saaray.
Waxa ugu dambeeya ee aan doonayo inaan sameeyo waxay ahayd inaan qofna u horseedin dhib
United ayaa sidoo kale soo saartay qoraal kooban oo ay ku taageereyso Cavani.
“Way noo cadahay in gabi ahaanba aysan jirin ujeedo xaasidnimo ah oo ka dambeysay fariinta Edinson wuuna tirtiray isla markii lagu wargaliyay in si qaldan loo fahmi karo,” ayaa lagu yiri
“Edinson wuxuu soo saaray raali galin wixii gaf ah oo aan ula kac aheyn oo uu sababay. Manchester United iyo dhamaan ciyaartoydeena waxaa si buuxda uga go’an la dagaalanka cunsuriyada.”
Be the first to comment