Edinson Cavani oo doonaya inuu ka tago Manchester United kuna biiro Barcelona.

(Photo by Oli Scarff - Pool/Getty Images)

Manchester United weeraryahankeeda Edinson Cavani ayaa lagu soo waramayaa inuu doonaa ku biirista Barcelona intii lagu jiray 2022.

Kaliya labo kulan ayuu kusoo bilowday iyo lix kulan oo bedel ah tartamada oo dhan, waxaana la arki doonaa hadii Cavani uu kasoo muuqdo qorshaha tababaraha cusub ee ku meel gaarka ah Ralf Rangnick .

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay The Times , Cavani ma doonayo inuu sii joogo United mustaqbalka fog, taa beddelkeeda wuxuu doonayaa inuu u saxiixo Barcelona.

Warbixinta ayaa sheegeysa in ciyaaryahanka uu doonayo inuu ka dhabeeyo riyadiisa ah inuu matalo kooxda Catalan, isla markaana uu awood u yeelan doono inuu wadahadal la yeesho isla bisha soo socota.

Hadii Barcelona ay diyaar u tahay inay la soo wareegto dhamaadka sanadka waxay ku xirnaan doontaa mustaqbalka Sergio Aguero , kaasoo lagu Xamanayo inuu ka fiirsanayo inuu ka fariisto ciyaaraha sababo la xiriira xanuun dhanka wadnaha ah.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*