Edinson Cavani oo lagu ganaaxay Maqnaanshaha 3 kulan iyo 136,000 ‘Qoraalka cunsuriyada’ uu dhigay barta ‘Instagram’

Edinson Cavani ayaa la kulmay ganaax seddex kulan ah ka dib markii weeraryahanka Manchester United uu erayga cunsurinimo u adeegsaday qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.

Waxa uu haatan seegi doonaa kulanka Premier League ee ay la ciyaarayaan Aston Villa, EFL Cup semi-finalka ay wajahayaan Manchester City iyo kulanka FA Cup ee Watford – taasoo ka dhigeysa inuu xor u yahay inuu ku soo laabto garoomada Liverpool 17ka Janaayo.

Bayaan ay soo saartay United ayaa lagu yiri: ‘Sida uu sheegay, Edinson Cavani ma uusan ogeyn in hadalkiisa si qaldan loo fahmi karo, wuxuuna si daacad ah uga raali galiyay  cid kasta oo ka xumaatay.

“In kasta oo uu aamminsanaa inuu si fudud u soo dirayo mahadnaq kalgacal leh oo aan uga jawaabayo dhambaal hambalyo ah oo ka yimid saaxiib dhow, haddana wuxuu doortay inuusan u tartamin eedeymahaas ixtiraam, iyo midnimo darteed, FA-ga iyo la dagaallanka cunsuriyadda kubbadda cagta .

In kasta oo ay cadahay in macnaha guud iyo ujeedku ay yihiin qodobo muhiim ah, waxaan xusid mudan in gudiga madaxa banaan ee nidaaminta looga baahan yahay inuu soo rogo ugu yaraan seddex kulan oo ganaax ah

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*