Home Wararka Ciyaaraha Eduardo Camavinga oo ku hanjabay in uu iskaga tegi doono Santiago Bernabeu...

Eduardo Camavinga oo ku hanjabay in uu iskaga tegi doono Santiago Bernabeu oo aanu sii joogi doonin

0
Ad

Mucjisada Real Madrid ee Eduardo Camavinga aya ku hanjabay in uu iskaga tegi doono Santiago Bernabeu oo aanu sii joogi doonin xilli-ciyaareedka dambe, sababtuna waxay tahay in uu ka cadhaysan tahay tababare Carlo Ancelotti oo uu diiddan yahay boosaska uu ka ciyaarsiinayo.

Laacibka reer France ayaa dabiici ahaan waxa uu k ciyaaraa khadka dhexe, laakiin tababare Carlo Ancelotti ayaa geeyey difaaca bidix, halkaas oo uu qorshaynayo in xilli-ciyaareedka dambena uu kusii hayo.

Ad

Camavinga oo August 2021 kaga soo biiray Real Madrid kooxda horyalka Faransiiska ee Rennes, ayaa waxa qandaraaskiisu uu soconayaa illaa laga gaadhayo xagaaga 2027, isaga oo illaa haddana u saftay 95 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah labadii xilli-ciyaareed ee uu ku sugnaa Santiago Beranbeu, waxaanu ku guuleystay koob kasta oo suurtogal ahaa.

Sida uu qoray wargeyska L’Equipe, 22 jirkan oo booskiisa dabiiciga ah uu yahay khadka dhexe oo uu illaa yaraantiisii kasoo ciyaarayy, isla markaana jidh ahaan iyo xirfad ahaanba uu u arko inuu kusoo baxayo, ayaa waxa uu u sheegay Ancelotti in uu ka tegi doono kooxda haddii aan laga ciyaarsiinin khadka dhexe.

Inkasta oo difaaca bidix ee laga ciyaarsiiyey uu ku noqdo mucjiso dunida oo dhan ka sheekaynayso, isla markaana 55kii ciyaarood ee ugu dambeeyey uu 17 ka mid ah ka ciyaaray difaca bidix, haddana waxa uu doonayaa in uu sii ahaado ciyaartoy khadka dhexe.

L’Equipe ayaa intaa ku daray, in Camavinga uu hadda jawaab ka sugayo Carlo Ancelotti iyo Florentino Perez si ay ugu caddeeyaan booska uu ka dheeli doono xilli ciyaareedka dambe, haddii kalena uu iskaga tegi doono.

Previous articleMikel Arteta oo tababarkii ciyaartoydisa ee maanta Kusoo Daray Eey uu Magac Cajiib ah U bixiyay
Next articleManhester United oo soo gaartay jug weyn oo walaac ku abuurtay tababare Erik ten Hag

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here