Home Suuqa Kala iibsiga Emile Smith Rowe oo kulankiisii ​​ugu horeeyay Arsenal tusay waxa ay lumiyeen

Emile Smith Rowe oo kulankiisii ​​ugu horeeyay Arsenal tusay waxa ay lumiyeen

0

Emile Smith Rowe ayaa kulankiisii ​​ugu horeeyay Arsenal tusay waxa ay lumiyeen isaga oo dhaliyay gool kulankii saaxiibtinimo ee ay Fulham la ciyaartay Aston Villa.

Xiddiag 24 jirka ah ayaa goolka dhaliyay daqiiqadii 55-aad isaga oo si cajiib ah ku bilowday noloshiisa Fulham.

Smith Rowe ayaa ciyaaray kulankiisii ugu horeeyay maalmo yar kadib markii uu ka tagay Arsenal kuna biiray Fulham.

Xiddiga oo ka soo baxay Akademiyada Arsenal ayaa heshiis 5 sano ah u saxiixay Fulham waxana uu kooxda joogi doonaa ilaa 2029.

Arsenal miyay ka shalayn doontaa in ay iska iibisay xiddiga suuqa xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here