Endrick ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee Real Madrid ka dhaliya Champions League xilli kooxda heysata horyaalka ay garoonkooda kaga badiyeen Stuttgart.
Isaga oo jira 18 sano iyo 58 maalmood, xiddiga reer Brazil waxa uu jabiyay rikoor uu dhigay halyeeyga kooxda Raul 1995, kaasoo gool ka dhaliyay Ferencvaros isagoo jira 18 sano iyo 113 maalmood.
Weeraryahankan oo xagaagan kooxda kaga soo biiray Palmeiras ayaa hore u noqday ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee gool u dhaliya kulankiisii ugu horeeyay ee La Liga Madrid qarnigii 21-aad kadib markii uu kaydka ka soo kacay kulankii Real Valladolid.
Kadib markii uu Jude Bellingham lagu badalay daqiiqadii 80aad ,Endrick ayaa dhibcaha ku soo xidhay laadkii ugu dambeeyay ee ciyaarta.
Kooxda Carlo Ancelotti ayaa kulankooda xiga u safri doonta Lille, halka Stuttgart ay martigelin doonto Sparta Prague.