Home Warar Ciyaaraha Maanta Enzo Maresca oo difaacay go’aankii uu kaga dhigay kabtan Enzo Fernandez guuldaradii...

Enzo Maresca oo difaacay go’aankii uu kaga dhigay kabtan Enzo Fernandez guuldaradii Manchester City

0

Tababaraha  Chelsea Enzo Maresca ayaa difaacay go’aankii uu kaga dhigay kabtan Enzo Fernandez guuldaradii Manchester City inkastoo duufaan cunsuriyadd ah ay hadheysay xagaaga.

Maqnaanshaha kabtanka kooxda Reece James, tababaraha Blues Maresca ayaa Fernandez u dhiibay calaamada kabtannimo xilli ciyaareedka ee kooxdiisu ay la ciyaartay kooxda heysata horyaalka  Premier League.

Fernandez waxa uu ka mid ahaa koox ciyaartoy ah oo laga soo duubay heeso cunsuri ah oo ay ku aflagaadenayen dadka madaw ee Faransiiska ka dib markii Argentina ay finalka Copa America ka qaadeen Colombia horaantii xagaagan.

FIFA ayaa hadda baaraysa muuqaalka laakiin Maresca ayaa yidhi:

“Waxaan u maleynayaa in Enzo uu yahay mid ka mid ah kabtanada kooxdan, kaliya ma ahan mid aan heysano Reece iyo qaar kale oo kabtan ah.

“Sababta aan u arki karo asxaabtiisa kooxda ayaa u aqoonsan sida tixraac, sida kabtanka.

Waxa uu hore u ahaa kabtanka xilli-ciyaareedka ka hor markii aan bedelnay Reece.

Dhammaanteen waxaan samaynay khaladaad hore. Marka aan khalad samayno waa muhiim in la aqoonsado oo la dhammeeyo.

“Aniga garan maayo laakiin hore ayaan u qaldamay oo waan gartay, waxaanan filayaa haddii bani’aadam ahaan aad khalad samayso oo aad garato in aan lagugu ciqaabayn nolosha.

Enzo qalad ayuu sameeyay, wuu gartay, wax uu soo kordhinayaa ma jirto.’ Ayuu hadalkiisa kusoo xidhay tababraha Chelsea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here