Home Warar Ciyaaraha Maanta Enzo Maresca oo ka hadlay kadib bar-barihii ay kooxdiisu la gashay Crystal...

Enzo Maresca oo ka hadlay kadib bar-barihii ay kooxdiisu la gashay Crystal Palace

0

Tababaraha kooxda chelsea ee Enzo Maresca ayaa hadlay kadib bar-barihii ay kooxdiisu la gashay Crystal Palace Axadii kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Maresca ayaa aaminsan in Chelsea ay u qalantay inay maanta ka badiso Crystal Palace.

Chelsea ayaa bar-baro 1/1 ah la gashay kooxda Crystal Palace kulan ka tirsnaa horyaalka premier League.

Maresca ayaa yiri: “Xaqiiqdii waan u qalanay inaan badino kulanka, waxaan helnay fursado badan, waxa ugu muhiimsan ayaa ahaa qaab ciyaareedkii aan soo bandhignay”.

Waxa uu intaa ku daray: “Ma aanan helin seddexda dhibcood, laakiin waxaan aaminsanahay inaan badin doono kulamada haddii aan u ciyaarno qaabkii aan u ciyaarnay maanta”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here