Equatorial Guinea 0-1 Ivory Coast: Xulka Ivory Coast oo garaacday Equatorial Guinea si ay Hogaanka ugu qabato Group E

Ivory Coast ayaa ololaheeda AFCON ku bilaabatay si fiican iyadoo Max-Alain Gradel uu dhaliyay goolkii ugu horeeyay ee Equatorial Guinea.

Cote d’Ivoire ayaa si wacan ku bilaabatay ciyaarta iyadoo Max-Alain Gradel uu kubad dabacsan ka dhaliyay geeska midig ee sare Daqiiqadii 5aad ee ciyaarta.

Equatorial Guinea ayaa isku dayday in ay goolka barbaraha la timaado waxayna ku dhawaatay 37 daqiiqo kadib markii Basilio Ndong uu kubbad ku garaacay Goolhaye Badra Sangaré.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay Guinea ayaa daqiiqadii 65-aad u soo dhawaatay inay dhaliso goolka bar-baraha lakin uma suura galin markii Emilio Nsue uu kubad la dul tagay goolhayaha.

Maroodiyaasha ayaa guushan waxay uga dhigantahay inay ku soo baxeen kaalinta 1-aad ee Group-ka E iyagoo leh saddexda dhibcood.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*